Guddoomiye Geedaqoroow oo amar Culus dul dhigay dadka Guryaha ku leh Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Geedaqoroow ayaa amar Culus dul dhigay dadka Guryaha ku leh Caasimadda Maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha oo Odayayaasha iyo waxgaradka Degmada isugu yeeray ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeya dib u dhis iyo bilic soo celin ballaaran lagu sameyn doono Magaalada, waxaana uu farriin Culus u diray Qof waliba oo guri ku leh Magaalada.

Cabiraxmaan Geeda Qoroow ayaa sheegay in Qofkii Gurigiisa quruxsan waaya uu ciqab adag la kulmi doono, waxaana uu sheegay in Magaalada Guryaha jajaban ee ku yaalla ay dadkii iska lahaa si deg deg ah u dayac tirtaan, isagoo sheegay in taas ay kaga golleeyihiin bilic soo celinta iyo qurxinta Caasimadda.

Waxaa intaas uu ku daray in ay diyaariyeen Shaqaalihii ka shaqayn lahaa Bilicda Magaalada, waxaana uu sheegay in ay ku jiraaan Injineero dib u dhis ku samayn doona Magaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media