Guddoomiye Degmo oo kasoo horjeestay Xil ka qaadis lagu sameeyay

Guddoomiyaha degmada Dhahar ee Maamul Goboleedka puntland Cabdifitaax Maxamed Salaad aya beeniyay warar sheegayay in xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid wax kama jiraan ah.

Warar horay u soo baxay ayaa ku warramayay in Guddoomiyaha ay xilka ka xayuubiyeen xubnaha Golaha Degaanka Dhahar, waxaana ay soo saareen warqad ka dhan ah Guddoomiyaha oo ay ku sheegeen in uusan ahayn guddoomiye maaddaama ay sheegeen inuu fashilmay.

Balse Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubnahaasi ay yihiin kuwo qas wadayaal ah oo aan doonayn horumarka iyo xasiloonida degaanka, waxaana uu usoo jeediyay eedo kala duwan xubnaha Golaha Degaanka Dhahar.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media