Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay Gobolka Togdheer (Wareegto)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media