Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Cusub ee Yaaqshiid loogu magacaabay inuu noqdo Maxamed Cabdllaahi Cariif, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Muuse Geesey Jimcaale.
Sidoo kale Guddoomiyaan Cusub ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah xilka ula wareego, iyada oo laga dalbaday laamaha amniga Maamulka inay la shaqeeyaan Maxamed Cabdllaahi Cariif, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Muuse Geesey ayaa ahaa Guddoomiyihii ugu da’da weynaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa xilkaas loo magacaabay sanadkii 2019, wuxuuna qabtay intii uu xilka haayay shaqooyin dhowr ah sida la sheegay.
Magaacista iyo xilka qaadista uu sameeyay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilalkii ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenadii Maamulka Gobolka Banaadir.