Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa galabta waxaa lagu qabtay kulan xus iyo Duco loogu sameeyay shuhadadii ku shahiiday musiibadii 24-kii July 2019 ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose oo ay ku geeriyoodeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka
AUN C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow, Agaasimeyaal, la-taliyeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo.
Munaasabadaan xuska iyo Ducada ayaa laga jeediyay Khudbado isugu jiray Isbaraarujin, taariikh Xusuuseed iyo Duco, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal, Culimo iyo Ehelo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo khudbad ka jeedyay madasha ayaa sheegay xuskaan uu noqon doono mid sanad weliba la xusi doono si loo weyneeyo shuhadadii ku shahiiday Qaraxii lala beegsaday 24-kii July 2019.
Sidoo kale Cumar Filish ayaa sheegay in markii loo dhiibay xilka Gobolka la qabtay dad doonayay inay isku qarxiyaan, isla markaana qirtay inay dili rabeen, kuwaasi oo gacanta loo geliyay hay’addaha amniga iyo kuwa Cadaalada.
Wuxuu intaas kusii daray Duqa Muqdisho inay sameeyeen dadaalo kala duwan oo lagu sugayo amniga Xarunta Gobolka, uun soo iibiyay laba scan lagu baaro wax kasta oo bir ah lana dhigay Xarunta Gobolka, si loo suga amniga, ayna qoreen Ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya xafiis kasta, si loo xaqiijiyo amniga.
Si kastaba Maanta oo kale 24-kii July 2019 ayey aheyd markii Qarax Is-miidaamin ah lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Eng. Yariisow, Agaasimeyaal, la-taliyeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo, sidoo kalena ay ku dhawacmeem Mas’uuliyiin kala duwan.