Guddoomiye Cabdi Xaashi oo loo helay qof kula la tar-tama kursiga Aqalka sare

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ku dhawaaqay In kursiga Koowaad ee aqalka sare ee Somaliland lagula Tartami doono Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdilaahi.

Waxaana arrintani ay ka dambeysay kadib markii liiskii dhawaan soobaxay uu kaligiis utaagnaa tartanka kursigaas  Gudoomiye Cabdi Xaashi,taasi oo hadal hayn badan dhalisay, maaddama aysan jirin Cid la loollan la galaysay Cabdi Xaashi.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in ugu dambeyn ay soo heleen Musharax la tartama Cabdi Xaashi, waxaana uu ku dhawaaqay in Saciid Cumar Xuseen uu yahay Musharaxa la tartami doona Guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen. Ayuu yirri Ra’iisul wasaare kuxigeenka  Dalku mudane Mahdi M. Gulaid

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor