Guddoomiye aan weli xilka la wareegin oo kulamo ka wada Baladweyne

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo weli xilka la wareegin ayaa kulamo kala duwan ka wada Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo uu la yeeshay Mas’uuliyiin kala duwan.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa kulan looga hadlaayay ka hortega faafida Cudurka halista ee Coronavirus la qaatay dhaqaatiirta kala duwan ee ka howlgasha Magaalada Baladweyne.

Dhaqaatiirta ayaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uga warbixiyay xaaladahii ugu dambeyay ee xanuunada kal horey ka dilaacay Magaalada iyo Arrimo la xiriira dhanka Isbitaalada.

Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay garan taagan yihiin dhaqaatiirka Baladweyne, isagoo kula dardarmay inay ka shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay Muqdisho.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa weli xilka si rasmi ah uga wareegin, kadib markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cali Muxumed Caraale, iyadoona uu taagan yahay Khilaaf arrintaas ka dhashay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media