Guddoomiyaha xuquuqul Aadanaha ee Puntland oo la doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku doortay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqul-Aadanaha Maamulka Puntland.

Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqul-Aadanaha ayaa waxaa ku tartamay Saddex Musharax oo kala ahaa Siciid Cabdi Muumin, Maryan Axmed Cali iyo Faysal Mahdi Cali, kuwaasi oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Doorashada oo gashay Saddex Wareeg ayaa waxaa ugu dambeyn xilka Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqul-Aadanaha Puntland loo doortay Siciid Cabdi Muumin oo helay 34 Cod.

Sidoo kale Maryan Axmed Cali oo la tartantay Guddoomiye  Siciid Cabdi ayaa heshay Codad gaaraya 28 Cod, halka Faysal Mahdi Cali oo ahaa Musharaxii saddexaad kuna haray wareega Koowaad uu helay 3 Cod.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xil. Cawil Xasan Daad ayaa ku dhawaaqday Natiijada kasoo baxday Doorashada, isagoona tilmaamay in Siciid Cabdi Muumin uu guuleystay.

62 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka puntland ayaa Coddeeyay, waxaana Doorashada kadib Xarunta Golaha lagu dhaariyay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqul-Aadanaha Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media