Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo eedeyn Culus u jeediyay Muuse Biixi

Murashaxa madaxtinimada Somaliland ee Xisbiga Waddani, ayaa cambaareeyay isku day uu sheegay in xukuumaddu ay doonaysey iney kaga hor istaago kulammo xisbigu uu ku qaban lahaa magaalada Burco.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in kulamada ay taageerayaashooda la yeelanayaan aaney uga fasax qaadanayn taliyaha booliiska iyo barasaabka gobolka Togdheerba.

Waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu doonayo inuu kordhisto mudada xileedkiisa, taasoo uu sheegay in aanay marnaba ‘aqbali doonin.

Illaa hadda wax war ah oo kasoo baxey Madaxweyne Muuse Biixi ma ay jirto, taasoo la xiriirta eedahan cusub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor