Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay dilkii Xildhibaan Cardoofe

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa ka hadlay dil Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Magaaladaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray Ehelada iyo Xisbiga Waddani ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe oo xalay koox hubeysan ay ku toogteen gudaha Magaalada Laascaanood, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee hoygiisa.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa ka dalbaday laamaha amniga Gobolka Sool inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Cabdirisaaq Cardoofe, si Cadaalada loo horgeeyo.

“Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka SOOL & xubin Golaha Deegaanka Deg Laasacaanod, Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana ha geeyo, Xukuumaddana waxaa waajib ku ah in dableyda dishay Marxuumka degdeg caddaalada loo hor keeno. Samir iyo iimaan” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, sidoo kalena ka tirsanaa xubnaha Xisbiga Waddani, waxaana toogtay dabley hubeysan oo watay Bastoolad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor