Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Dalka Ruwanda

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay magaalada Kigali ee Dalka Rwanda dhigiisa Maxkamadda Sare ee Rwanda Dr. Faustin NTEZILYEYO, labada Guddoomiye ayaa ka wada hadlay kobcinta xiriirka labada Garsoor iyo waddaaga waayo-aragnimada shaqo ee labada dal.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa inta ay booqashada shaqo ku joogaan dalka Rwanda waxay kulammo kala duwan kula qaadan doonaan Hay’ado iyo madax kale oo ka tirsan dalka Rwanda.

Wafdiga ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Rwanda uga mahadceliyey soo dhoweynta qiimaha leh ee uu u sameeyey wafdiga ka socday Garsoorka Dowladda Soomaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, Gudoomiye-yaasha Maxkamadaha Sare ee Puntland iyo Koonfur Galbeed, wakiil kasocda Waaxda Dembi Baadhista iyo khuburo katirsan Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa kamid ah wefdiga Guddoomiyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor