Guddoomiyaha Maxkamadda oo amar siiyay Saraakiisha Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug Gaashaanlle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xassan, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo uu ka mid yahay Xeer ilaaliaha Maxakamada Ciidamada Qalabka, ayaa maanta kormeer ku tagay taliska ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska GorGor.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa faray in aan la ogolaan doonin Askari Xoogga dalka ka tirsan in uu fasax la’aan aado gudaha magaalooyinka, isla markaana ay dambi tahay in Ciidamada Milatarigu soo galaan bulshada dhex dooda si la mid ah hay’addaha ku shaqada leh amniga guddaha ee Booliiska iyo Nabadsugida.

Gaashaanlle Dhexe Cabdullaahi ayaa Ciidamada qalabka sida ku boggaadiyay guulihii howlgalada ka socda Gobolka mudug oo Al-shabaab ay ugala wareegeen magaalooyinka cusub sida Camaara.

Fariintan Maxkamada Ciidamadda oo ku saleysan ka jawaabida baaqa shacabka ee dhowrista maqalka soo laalaabtay ee rasaasta laga dhex ridayo xaafadaha Magaalooyinka ayaa ugu dambeyn la faray Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada in ay hubiyaan hubka Askarta fasaxa ku aadaysa Magaalada xiliga ay ka baxayaan xeryaha iyo soo laabashadooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor