Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna oo Wareysi bixiyay ka dib dagaalkii Guriceel

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah, ka hadlay arrimo badan oo kua aaddan xaaladaha Galmudug iyo dagaaladaadii dhawaan ka dhacay Gobolka Galgaduud..

Waxaana si gaar ah uu wareysi uu bixiyay uu diiradda ugu saarayay mowqifkiisa ku aaddan xaaladda Galmudug kaddib dagaalkii dhawaan dhex maray ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug oo la sheegay inay gacan ka helayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, balse waxa uu sheegay inuu ahaa “mid iyaga lagu soo qaaday”.

Sidoo kale Sheikh Maxamuud ayaa Eedeyn gaar ah ayuu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada xoogga dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay in uu hoggaaminayay dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Guruceelee Gobolka Galgaduud uu ka dhacayd agaal khasaaro badan dhaliyay, Dagaalkaasi ayaa soo idlaaday kaddib markii xoogagga Ahlu Sunna ay ka baxeen magaalada Guriceel oo ahayd halka lagu dagaallamayay, waxaana wixii xilligaas ka dmabeeyay ay hoggaanka Ahlu Sunna sheegeen in qorshahoodu uu yahay “in ay sii wadi doonaan fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor