Guddoomiyaha Guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Is Casilay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad  ee Kal-fadhiga 49-aad Golaha Wakiillada.

Kulanka ayaa Maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad  ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

Sidoo kale Kulanka Maanta ayaa waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kal-fadhiga 49-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

Dhinaca kalen, kadib markii uu 3 fadhi ka maqnaa Fadhiyada gudiga joogtada ah, isla markaana Golaha laga hor-akhriyey warqad Is-casilaada oo uu soo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah, Cabdiraxmaan Diiriye Carab kaas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka aqbalay, ayaa guddoomiyuhu waxa uu u soo jeeday in xubintaas buuxinteeda loo marayo habraaca Golaha Wakiillada, Gobolka Cayn-na ay soo gudbiyaan xubintii bedeli laheyd,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor