Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda federaalka Soomaaliya Mursal Sheikh Cabdiraxman iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha oo ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magalada Muqdisho ayaa waxaa socdaalkiisa ku wheliya Xubno ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay Wehliyaan Labada golle Dowlada iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Barlamanka Federaalka Soomaaliya

Socdaalka wafdiga ayaa ah ka qeybgalka Sanad guurada Labaad Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku Beegan 19/12/2020.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media