Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda oo magacaabay Mas’uuliyiin cusub

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buule Garaad (Canjeex) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Doolow ee Gedo, isagoo magacaabay Mas’uuliyiin cusub.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Axmed Buule ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Doolow Deeq Cali Bishaar, waxaan xilkaas loo magacaabay Aadan Barre Cali oo bedalaya Deeq.

Qadar Cumar Cabdulle ayuu Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda u magacaabay inuu noqdo Madaxa Arrimaha Bulshada Doolow, iyadoona xilkaas laga qaaday Ismaaciil Macalin Xidig oo ka tirsanaa Maamulka degmadaas.

Sidoo kale Madaxa xiriirka iyo Hay’addaha Doolow ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xuseen Cabdi, kaasi oo bedelaya Cali Yuusuf Cabdullaahi oo Guddoomiye Canjeex ku sameeyay xilka qaadis.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buule Garaad ayaa Mas’uuliyiinta cusub ee u magacaabay degmada Doolow faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ee uu saaray Canjeex.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor