Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shaaciyey hal arrin uu ka cabsi qabo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa uu sheegay inuu ka cabsi qabo in dadka doonaya inay banaanbaxyada dhigaan ay ku burburiyaan laamiyada laga dhigay Caasimadda.

Guddoomiye Cumar Finish oo ka hadlaayay banaanbixii shalay ka dhacay Muqdisho ee looga horjeeday MD Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay inuu baraha Bulshada ka arkayay dad wadadii la dhisay ku gubayay taayaro waaweyn, taasina aan la aqbali doonin.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in banaanbixii dhacay lagu arkay rag wejiga u duuban yahay, isla markaana ku hubeysan daba-Jeexayaal iyo Aakayin, kuwaasi oo uu sheegay inay kasoo horjeedan go’aankii dowladda Federaalka ay ka qaatay dowladda Kenya.

“Waxaan indhaheyga ku arkay laamigii bilo kahor aan dhisnay oo taayaro waaweyn lagu gubayo, wadadii aad codsateen in la idin dhiso oo hada dhismaheedu socdo, idinkood u jeeda qaar yar oo aan waxba ogeyn inay taayaro ku shidaan wadada, waa taas cabsida aan qabo” ayuu yiri Cumar Finish.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha gobolka ayuu tilmaamay in dadka doonaya in dib dalka uu u laato aan marnaba taas laga aqbali doonin, wuxuuna caddeeyay in sidoo kale laga yeeli doonin dadkaas inay burburiyaan waddooyinkii maamulka Gobolka uu dhisay.

Si kastaba banaanbaxyo rabshado watay ayaa shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana qaar kamid ah dadkii dhigaayay banaanbaxa ay taayaro ku gubeen laamaiga, iyadoona rasaas lagu furay banaanbaxayaasha khasaaro ay geystay, iyadoona Musharaxiinta ay  sheegeen inay ku biiri doonaan banaanbaxyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media