Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta magacaabay Guddoomiye Degmo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay degmada Waaberi, kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa waxa xilka Guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi loogu magacaabay inuu noqdo Sugaal Cali Ayaanle oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Cabdicasiis Cismaan Jaamac.

Duqa Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay Cabdicasiis Cismaan Jaamac 11-kii bishii lasoo dhaafay ee Ogoosto, waxaana xiligaas xilka degmada Waaberi si KMG ah loogu sii dhiibay Jamaal Cali Maxamed.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in xarunta degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ka dhacdo Munaasabad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha cusub ee degmadaas Sugaal Cali Ayaanle oo ah wiil dhalinyaro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor