Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Wasiirka Caafimaadka xilgaarsiinta

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta booqday xarunta Wasaarada Caafimaadka ee XFS waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka xilgaarsiinta Drs Fowsiyo Abiikar Nuur.

Kulankan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada Caafimaadka ee dowlada Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa fulinta mashaariic waxtar u leh adeegyada Caafimaadka la xariira.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in kulankan wax yaabihii looga hadlay qeyb ka ahaa dib-udhiska xarunta keydka Talaalka gobolka Banaadir oo aan muda Sanadaha helin wax dayactir ah.

Ugu danbeyn mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale iska wareestay la tacaalida Xanuunka Hergabka cusub oo bulshada Caasimadda si weyn u saameeyay

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor