Guddoomiyaha G/Banaadir oo xadgudub ku tilmaamay Bandowga Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Maanta ka hadlay Bandowga xiliga habeenkii ah ay dowladda Federaalka Soomaaliya kusoo rogtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cumar Finish in Badowga saaran Caasimadda dalka ee Muqdisho uu yahay mid  xadgudub ku ah dadka Shacabka ah, isla markaana uu aad uga xun yihiin dilkii xalay loo geystay dadkii shacabka ahaa.

Isaga oo sii hadlaayay Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Go’aan Cad saacadaha soo socda laga soo saari doono Bandowga habeenkii ah ee Muqdisho ayna arrintaas u fadhiyaan Madaxda dowladda.

Dhinaca kale Cumar Finish ayaa shacabka u sheegay in la xiray Askarigii dilka geystay, isla markaana sharciga la horgeyn doono, wuxuuna dadka dhigaya Banaanbaxa rabshadaha wata ugu baaqay inay inay joojiyaan dibadbaxa saameynta yeeshay.

Boqlaal ruux oo shacab ah ayaa Banaanbax rabshado wata ka wada laga soo bilaabo Isgoyska Jubba ilaa iyo Daljirka daah-soon ee Degmada Boondheere, waxaana dadku ay yihiin kuwa aad u careysan, kuwaasi xiray wadada laamiga ah, sidoo kalena gubaya taayaro waaweyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media