Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan la qaatay Guddi ka socday Dad cabasho qaba

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay guddi ka socday dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhow Isbitaalka Laasaleeti.

Dadka uu kulanka la qaatay Guddoomiye Cumar Filish ayaa ah dad cabasha ka qabay dhismaha cusub ee ka socda xaafadaha ku dhow Isbitaalka Laasaleeti ee qeyb kamid ah isbitaalkaasi.

Guddoomiye Cumar Filish oo ugu horeyn gudigaas ka dhageystay warbixin ku saabsan cabashadooda ayaa waxaa uu sheegay in dhulka isbitaalka uu yahay mid Danguud ah isla markaana loogu talagalay in loogu adeego ummada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dadka u sheegay in dhismaha haatan ka socda Isbitaalka Laasaleeti ay tahay Xarunta cusub ee gurmadka deg degga ah islamarkaana aysan jirin wax dhul boob ah oo ka socda goobtaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor