Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish ayaa Maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Duqa Magaalada Konya ee dalka Turkiga MR. Ibrahim uğur altay.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa dowaddaha hoose ee dalka Turkiga, waxaana labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis cusub.
Heshiiska ay kala saxiixdeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Duqa Magaalada Konya ee Turkiga ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira walaaleynta iyo Iskashiga labada Magaalo, waxa ayna iska kaashan doonaan Sagaal qodob oo muhiim u ah dhaqangalinta heshiiskan.
1- Maareynta qashinka iyo warshadeyntiisa
2- Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan (Public transportation ).
3- Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adressing system )
4- Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .
5- Tababaradda
6- Dalxiiska
7- Isboortiga noocyadiisa kala duwan
8- Dhaqanka iyo
9- Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure ) .