Guddoomiyaha Cusub ee G/Hiiraan iyo xubno kale oo kulan uga socda Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda kulan u dhexeeya Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Mas’uuliyiinta Maamulka, kan Degmada iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida.

Kulanka oo sigaar uga socda Xarunta Maamulka Gobolka ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo kala duwan oo kamid ah yihiin sidii loo dardar gelin lahaa howlaha shaqo ee horyaalla maamulka .

Kulanka waxaa kaloo looga arrinsanayaa xalinta Khilaafka ka dhashay xilka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale oo weli sheeganaya inuu yahay Guddoomiyaha Gobolkaas.

Sidoo kale kulanka ka socda Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha Garsoorka iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana shir Guddoominaya Cali Jeyte Cismaan oo weli aan xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan la wareegin.

Saacad hakor ayaa waxaa agagaarka Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ay Israsaaseyn ku dhexmartay Ciidamo kala taabacsan labada Cali Caraale iyo Guudoomiye Cali Jeyte, waxaana wararaka qaarkood ay sheegayaan in halkaas ay ka jirto xiisad u dhexeeysa labada dhinac.