Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Yaaqshiid oo Codsi u diray shacabka

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif oo Maanta si rasmi ah xilka ugala wareegey Guddoomiyihii hore ee Degmada Yaaqshiid Muuse Geeseey, kaasi oo uu xilka qaadis ku sameeyay Duqa Muqdisho.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Degmada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti), Gudoomiyaha Hawenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab Agaasimaha xiriirka Degmooyinka Gobolka Shacabka Degmada iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiye Axmed Cabdullaahi Cariif oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka ku dhaqan degmada Yaaqshiid ee Gobolka ka dalbaday inay la shaqeeyaan, si uu u dardar-geliyo howlaha shaqo ee Maanta , isla markaana uu horey u soo qabtay Muuse Geesey.

Sababta Is-bedelka loogu sameeyay Maamulka Yaaqshiid ayaa waxaa lagu sheegay inya tahay arrimo la xiriira baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha maamul ee degmadaas, isla markaana muhiim u ah degmada iyo shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media