Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka hadlay Xildhibaanada la Qarxiyey

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa si kulul u Cambaareeyay qarax miino oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar, kaasi oo lala beegsaday Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas lala beegsadayb Xildhibaano iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah, waxaana ku dhaawacmay Xildhibaano iyo dad kale.

Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa qaraxaas dhacay ku tilmaamay mid argagaxisinimo, waxuuna Caafimad deg-deg ah Alle uga rajeyay intii waxyeelada kasoo gaartay oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Kanaani.

Sidoo kale Guddoomiye Lukmaam ayaa waxaa uu Hay’adaha Amniga Maamulka faray inay qaadaan talaaboyin deg deg ah oo lagu xakameynayo falalka amni darro, isagoona ku  booriyey inay gacanta kusoo dhigaan kuwii kadambeeyay weerarka.

Qaraxa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu kusoo aaday, xili maalmaha soo socda ka bilaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor