Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Beeniyay Warar laga faafiyay

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada iyo warbaahinta qaarkood ay tebiyeen warar ku aadan in Ciidamo ka amar qaata Madaxweye Waare ay Go’doon geliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, hayeeshee waxaa arrintaas ka hadlay Sh Cismaan Barre.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiksa Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Guddoonka la geliyay, ayna been abuur yihiin wararka laga faafiyay.

Waxaa lagu sheegay Qoraalka in Xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle ay gacanta ku haayan Ciidanka amniga oo awalba lagu ogaa Ilaalinta Xarunta oo aysan jirin Ciidamo la geeyay halkaas.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlaamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay inay Dacawd ka gudbin doonaan mid kamid Tv-yada ku hadla Af-soomaaliga oo eedeyn ay u jeediyeen.

Baraha Bulshada iyo Warbaahinta qaarkood ee Website-yada ayaa waxaa lagu faafiyay in Go’doomin la geliyay Sheekh Cismaan Barre, isla markaana uu  Khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxeeyne Waare, sidoo kalena Hoygiisa laga jaray Korontada iyo Biyaha.

Hoos ka Akhrio War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Sh Cismaan Barre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media