Guddoomiyaha aqalka sare oo sheegay in been abuur lagu sameeyay xeerarkii muhiimka u ahaa Sharciga doorashooyinka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare e Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay xeerar dhawaan ay meelmariyeen xildhibaanada golaha shacabka isaga oo Sharci darro Ku Tilmaamay Sharciyada Horyaalla Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ayaa waxa uu tilmaamay in aysan sax aheyn xeerar badan oo haatan hor yaalla xildhibaanada kuwaas oo qaar ka mid ah ay socoto doodeeda.

Xeerarkaan  oo ay soo diyaariyeen guddi ka guddiga wadajirka ah ee dhameystirka sharciiga doorashooyinka ayuu ku dooday in nuqulka loo qeybiyey golaha shacabka aanu aheyn midkii ay guddigu keeneen, sidaa darteedna aysan waxba ka jirin xeerarkaan.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media