Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Soo dhaweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee MaamulkaPuntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Saacad kadib ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ay gaaran Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira, kuwaasi oo kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media