Guddiyo kulan uga socda Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xiligaan uu shir uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hayo hal qodob.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu yahay qabyo Qoraalka dib u eegista Dastuurka, isla markaana waxaa kulankaas ka qeyb galaya Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka.

Guddiga Dastuurka ayaa Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka horgeeyay xeerka dib loogu dhigayo Dastuurka Baarlamaanka 11-aad, si loo gorgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Kulanka ka socda Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka inta badan xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media