Guddiyada soo xulaya ergada Doorashada kuraasta Magaalada Boosaaso oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka  doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa shaaciya magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Boosaaso.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in iyaga fulinaya waajibaadka qaran iyo heshiisyadii madasha qaranka sidoo kalena raacaya hab raacyadii Doorashada  2021-2022 ay soo gudbinayaan liiska Guddiyada xulista Ergooyinka Kuraasta Golaha Shacabka.

Doorashada Lix iyo toban kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka ee Boosaaso taallo ayaa waxaa lagu wadaa inay kala dhacdo maalmaha 5-6 ee bishaan Maarso, sida ay horey u shaaciyeen Jadwalka Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Puntland.

Maamul Goboleedyada ayaa si dardar leh u wada qansoomida doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, xili waqti cusub lagu daray soo gaba-gabeynta doorashada Golaha, iyadoona waqtigaas uu ku egyhahay 15-ka bishaan Maarso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor