Guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo Jubbaland oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland kulan ku yeeshay Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal Mudane Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa kala hadlay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dowlad Goboleed Jubaland ahanaanka doorashooyinka ka dhacaya qeybo ka mid ah degaanada maamulka Jubbaland iyo sida ugu wanaagsan ee loo hirgalin karo doorashada.

Guddiga doorashooyinka heer Faderaal iyo kuwa Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa isla qaatay in la dardargaliyo howlaha doorashooyinka oo si weyn ay indhaha ugu hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka oo dhan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor