Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka oo QM kala hadlay caqabado heysta

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda xilgaarsiinta Xil. Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo guddiga xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30% ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula yeeshay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho.

Inta uu socday kulankaan Maanta dhacay ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha haweenka Soomaaliyeed ka heysta dhinaca siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka ka bilowday dalka.

Kulanka sidoo kale ayaa waxaa looga arrinsaday qorshaha guddiga iyo wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee ku aadan xaqiijinta qoonddada haweenka ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhowaan magacaabay Guddi ka kooban 13 xubnood oo Wasaaradda Haweenka soo gudbisay, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii loo ilaalin lahaa xuquuq siyaasadeedka haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin goleyaasha Baarlamaanka Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor