Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo fasaxay kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa fasaxay lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo doorashadoodu maalmo kahor ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in kuraastan lixda oo uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin ay fasax yihiin .

Guddiga Khilaafaadka ayaa caddeeyay in kuraastan ay fasaxeen dhammaantood aysan jirin wax cabasho rasmi ah oo ka timid ama laga diiwaan-geliyay, muddada ugu qoran Guddiga habraacooda, isla markaana ay fasax yihiin kuraasta doorashadoodu la qabtay.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa horey u hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP86 oo uu kusoo baxay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana hore ugu fadhiyey kursigaas Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Khilaafaadka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor