Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Dalbaday in loo soo gudbiyo Cabashooyinka la qabo

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa ugu baaqay Musharaxiinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in wixii tabasha ah ee ay qabaan u soo gubiyaan Guddiga, si loo xaliyo tabashada lasoo gudbiyo.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa sheegay inay ka Jawaabeen eedeyntii Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha u jeediyeen Guddiga, taasi oo ku saabsaneyd in kuraasta Golaha Shacabka lagu haayo boob oo aysan waxa socda aheyn doorasho.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in Musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

“Musharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshada”. Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Barre oo ugu baaqay Musharaxiinta Baarlamaanka inay cabashada ay qabaan u soo gudbiyaan Guddiga.

Hadalka Guddiga ayaa kusoo aaday, iyada oo Midowga Musharaxiinta ay sheegeen in sida ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka ay tahay boob, isla markaana boobka doorashada laga dhaxli karo qallalaasi, dagaal iyo dalka oo gaara meel xun.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor