Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo shaaciyay in lagu haayo cadaadis badan

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa sheegay in habraacada ay ku shaqeeyaan Guddiga ay yihiin kuwo hore loo dejiyay oo ay ku heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Xuseen Maxamed Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Guddiga uu go’aamiyey laba Dacwo oo loo gudbiyay oo ka kala yimid kuraasta HOP239, iyo HOP67, kadib markii ay baaritaano ku sameeyeen, ayna u mareen habraacyo sax ah, waxaana kuraasta kusoo kala baxay Mahdi Guuleed iyo Yaasiin Fareey.

Guddoomiye Xuseen Maxamed ayaa Carabka ku dhuftay in aysan koox iyo nidaam gaar ah u adeegeynin oo ay u shaqeynayaan sidii ay u kala saari lahaayeen Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ku qanci waaya Natiijada kasoo baxda doorashooyinka dhacaya.

Guddiga Khilaafaadka doorashada ayaa Midowga Musharaxiinta ka dalbaday inay joojiyaan waxyaabaha ay dadka ku kala fogeenayaan oo ay ka sheegayaan Guddiga Khilaafaadka, iyagoona ka Codsaday in wixii tabasho ah ay qabaan ay kala hadlaan Guddigooda.

Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Xuseen Maxamed ayaa qiray inay mararka ay soo gaaran cabashooyinka ay la kulmaan cadaadis xoogan oo kaga yimaada dhinacyo kala duwan, in kastoo uusan shaacin halka ay uga yimaadan, isagoona dalbaday in cadaadiska laga daayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor