Guddiga SEIT ee Puntland oo beeniyey warar lagu faafiyey Baraha Bulshada

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyey warar sheegayey in saacadaha soo socda Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Puntland ay shaacin doonaan Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ay horey u soo saareen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Puntland ayaa laga soo xigtay inuu beeniyey wararka la faafiyey ee la xiriiray in Guddiga ay shaacinayaa Jadwal doorasho, wuxuuna sheegay in uusan jirin Jadwal saacadaha soo socda u qorsheysan inay soo saaraan.

Guddoomiye Cabdikariin Muuse Maxamed ayaana waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada, isla markaana xusay in aysan jirin cid xitaa ay kala hadleen Arrimo Jadwal iyo mid doorasho intaba, marka laga reebo inay horey u soo saareen 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Puntland.

“Waxba kama jiraan cid aanan aqoon waxay meelahaas ku qorayaan. Jadwal aan shaacinayno ma jiro saacadaha soo socda iyo cid aan jadwal u sheegnay midna” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin Cabdikariin Muuse Maxamed.

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Puntland  ayaa weli shaaca ka qaadin Jadwalka doorashada 10 kursi oo kamid a kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo ay u soo saareen Guddiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor