Guddiga KMG ee soo diyaarinta saameynta  Covid-19 oo kulan la yeeshay RW ku Xigeenka

Guddiga KMG ee soo diyaarinta saameynta uu Covid-19 ku yeeshay dalka ayaa maanta kulan xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa kula yeeshay Ra’iisal  wasaare ku xigeeenka dalka Mudane Mahdi Mohamed Gulleed {Khadar}.

Ajendaha kulanka uu guddiga KMG ah la yeeshay ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa kala ahaa

1.saameynta uu Covid-19 ku reebay Dalka

2.iyo qaabkii ay Xukuumadda u maamushay.

Kulanka waxaa shir guddoominaaysay xildhibaan Farxiyo Muumin Cali oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta saameynta Covid 19 ku yeeshay dalka.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo la xarriiro qaabka ay xukuumadda u maamushay Covid 19 weydiiyay Ra’iisal  wasaare ku xigeeenka dalka Mudane Mahdi Mohamed Gulleed {Khadar}.

Ra’iisal  wasaare ku xigeeenka dalka Mudane Mahdi  Gulleed ayaa xubnaha guddiga uga jawaaabay sida ay xukuumadda u mamushay covid19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media