Guddiga Khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray kursiga uu kusoo baxay Yaasin Fareey

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa Go’aan ka gaaray dacwadii laga soo gudbiyey kursiga tirsigiisa ahaa HOP67 oo kusoo baxay Taliyaha KMG ah ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in habraacii loo maray xulista Ergada kursiga tirsigiisu yahay HOP67 uu ahaa mid sax ah, isla markaana ay hubiyeen in Odayaasha dhaqanka saxda ah ee diiwaan-gashan.

Guddiga Khilaafaadka ayaa caddeeyay inuu waayay wax caddeymo ah oo muujinaya in Nabadoon Cali Xasan Cali laga hor istaagay safarkii uu ku tegi lahaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug marka laga reebo sheegashadiisa.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay inay hubiyeen Aqoonsiga Odayaasha dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug, ayna u caddeeyeen Guddiga inay u soo xuleen ergada kursiga tirsigiisu yahay HOP67, si sax ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor