Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa Manata waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa ka qeyb galay dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay ugu weynta dejinta Ajendayaasha Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo uu si rasmi ah 6-dii Bshaan u furay Madaxweyne Farmaajo.
Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa kulankooda kadib soo saaray Go’aan ah in Maalinta berri oo Taariikhdu ku beegan tahay 10-ka Bishaan Juun 2020 uu Golaha yeelan doono kulankoodii uga Horeeyey ee Kal-fadhiga 7aad ee Golaha Shacabka.
Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu yahay Sharciga Axzaabta oo Kamid ah Sharciyadda uga Ahmiyadda badan sida uu Warbaahinta u sheegay habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuux.