Guddiga isku-xirka hirgelinta siyaasadda Qaran oo shaqo bilaabay

Guddiga Isku-xirka Qaran ee Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyagoo ka wada hadlay sidii ay hawlahooda u billaabi lahaayeen, iyadoo laga faa’iideysanayo farsamada casriga ah.

Guddigan ayaa ka kooban wakiillo ka socda wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta (Guddoonka), Qorsheynta, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Bankiga Dhexe, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha. Hase yeeshee, waxaa qorshaha ku jira in la qabto kulamo kuwan ka ballaaran oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan ee ay Siyaasaddani saameynta ku leedahay.

Mas’uuliyiinta Wasaaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT) oo ugu horreyntii ka hadlay kulanka oo ku dhacay qaab online ah ayaa xubnaha Guddiga u dul-maray ujeeddooyinka Siyaasaddan Qaran iyo qorshaha loo dajiyay sidii loo fulin lahaa. Wasaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay waajibaadka shaqo ee Guddiga, taas oo ay xubnaha si buuxda u ansixiyeen.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, oo kulankaas uga qeyb galay qaabka fogaan-aragga, ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga inay xil weyn iska saaraan sidii siyaasaddan loo fulin lahaa maadaama ay ahmiyad weyn u leedahay dalka, iyadoo soo koobeysa sida teknolojiyada loogu adeegsan karo qeybaha kala duwan ee nolosha.

“Mid ka mid ah casharrada ugu waaweyn ee Coronavirus uu na baray waa inaan teknolojiyada u isticmaalno qeybo badan oo nolosha ka mid ah sida kulamada, waxbarashada, taasna way sii socon doontaa xitaa haddii COVID-19 uu na dhaafo,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in waxyaabaha siyaasaddan ku xusani ay maanta ka muhiimsan yihiin maalintii la qorayay.

Fulinta siyaasaddan ayaa ku soo aadeysa xilli baahi weyn loo qabo in teknolojiyada loo adeegsado qeybaha kala duwan ee nolosha, gaar ahaan qeybaha ay siyaasaddani qorshaha u dajisay ee kala ah: ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, kobcinta xirafadaha, iyo adeegyada dawladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media