Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo soo saaray amar ku socda Musharixiinta

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray amar ku socda Musharixiinta doonaya in ay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka iyo Ergada dooranaysa Xildhibaanada.

Amarka ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ku aaddan Afgashiga loo yaqaanno facesmask ga, oo dahwanahaan la arkayay qaar ka mid ah Ergooyinka oo codaynaya iyagoo agku u xiran yahay, balse Guddiga ayaa shaaciyay in arrintaasi aan marnaba la aqabali doonin.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka, Mahadsanidiin” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Dhawaan Ergada ka socotay Somaliland ayaa codeeyay iyagoo wajigu u xiran yahay, taasi oo keentay hadal hayn iyo dhaleecayn xooggan oo loo jeediyay guddiga doorashooyinka, taasi oo keenatay in haatan ay amar culus soo saaraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor