Guddiga Hawlaha Guud  oo ka dooday Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershaha Puntland

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka  oo akhriska labaad ku sameynaya wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershaha Puntland.

Guddiga oo ka duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kulan la tashi ah la yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga Puntland.

Guddiga iyo mas’uuliyiintan kala duwan ayaa falanqeeyey ujeeddooyinka wax-ka-bedelka Xeerka, iyadoo mas’uuliyiintu ay Guddiga la wadaageen aragtidooda ku aaddan wax-ka-bedelka xeerka, waxayna u mahadceliyeen Guddiga sida wanaagsan ay la tashiga ugu yeereen Hay’addaha uu xeerku khuseeyo.