Guddiga farsamada Doorashooyinka oo shir uga furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee arrimaha Doorashooyinka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in uu furmay shirkii Guddida Farsamada ee arrimaha Doorashoyinka Qaranka.

Wasiirku waxa xusay in xubnaha guddidu ka doodeen diyaarinta ajandayaasha shirka Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeelanayaan dhowaan.

“Shirkan guddida farsamadu wuu furmay, waanu sii soconayaa maalmaha soo socda, waxaan rajaynaynaa in dhowaan ay inoo qabsoonto doorasho hufan oo horumar inoo horseedda”. Ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor