Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Diiwaan-geliyay Xisbiyo Cusub

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diiwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii Guddiga Doorashooyinka Qqaranka uu horey u diiwaan-galiyay.

GMDQ oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee Cuduirka COVID-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsiday qabsoomidda Munaasabaddaas.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil iyo Diwaangaliyaha Xisbiyada Guddiga Maxamed Cumar Axmed Xaydara ayaa ka qaybgalay munaasabadda xisbiyada lagu guddoon siinayay shahaadada ku meelgaarka ah.

8-da Xisbi ee maanta helay shahaadada kumeel gaarka ah ayaa kala ah.

1-Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.

2-Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.

3-Xisbiga Walaalaha Midoobay.

4-Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.

5-Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.

6-Xisbiga Soomalinimo.

7-Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta.

8-Xisbiga Badbaado Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media