Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Beesha Caalamka oo kulan yeeshay

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa iyag oo ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo meelo kale waxaa ay yeesheen kulan Muuqaal ah oo looga hadlay Arrimo ku aadan Doorashooyinka sanadka 2020/21.

Guddiga Doorashada iyo Wakiilada Beesha ee Soomaaliya ayaa si gaar ah uga wada hadlay diyaar garowga loogu jiro in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah dhammaadka sanadkan.

Sidoo kale Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiilada ayaa ka hadlay sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafya Caalamka oo dhan.

Kulanka ayaa waxaa Guddiga uga qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey, xubno ka tirsan kale oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media