Guddiga doorashooyinka oo War-Saxaafadeed kasoo saaray Doorashadii ka dhacday Galmudug

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinaka Heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro oo goobjoog ka ahaa habsami u socodka doorashadii 12-Agoosto ka dhacday xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ee Dhuusamarreeb ayaa gabagabadii markii ay doorashada soo idlaatay kalmad ku aadan soo xulista Baarlamaanka Aqalka Sare ka jeediyey Golaha ay doorashadu ka dhacday. “Run ahaantii, Guddiyadda Doorashooyinka ee labada heer waxay diyaar u ahaayeen welina u yihiin gudashada waajibkooda Qaran ee ka saran Doorashooyinka dalka.

“Waan jeclaan lahayn in latartamo oo tanaasul la’aan ay codeyntu udhacdo, hasa ahaatee waan soo dhaweynayaa in natiijada si sharciga waafaqsan kusoo baxday halkaas oo lixda xildhibaan lagu doortay oo labo ka mid ah yihiin haween, taasoo ka dhigan in tirada haweenka ee Aqalka sare ee ilaa hadda laga soo doortay Galmudug ay gaarayso 33%.Waa tallaabo ammaan mudan sida uu qoondada haweenka xil isaga saarey hogaanka Galmudug” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Guddigu wuxuu si weyn u boggaadinayaa qaybaha kala duwan ee dowlad gobaleedka Galmudug iyo guud ahaan bulshada Galmudug oo suura galiyey doorashadan inay ku dhacdo jawi nabdoon.
Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo doorashooyinka labadda Aqal ee Baarlamaam Federaalka Soomaaliya si loo waafaqo heshiisyadii kala duwanaa ee taabanayey muhiimadda doorasho waqtigii loogu talagalay kudhacda.
Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb aya shalayw axaa ka sdhacday doorashada lix kursi oo mamulkaasi ku matali doona Baarlamaanka soo socda, waxaana xubnaha shalay la doortay Magacyadoodu kala yihiin:-

1. Saciid Siyaad Shirwac
2. Yuusuf Geelle Ugaas
3. Cabdi Axmed Dhuxulow
4. Samsam Daahir Maxamuud
5. Cabdixakiim Macallin Axmed
6. Duniyo Maxamed Cali

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor