Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo baaq u diray Barlamaanka Maamulkaas iyo Musharixiinta Aqalka sare

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland, ayaa maanta war-saxaafadeed qabtay ay ku sharraxayaan halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray.

Guddiga ayaa soo saaray qodobo dhowr ah, waxayna sheegeen in doorashadu wakhtigii loogu talagalay ku qabsoomi doonto, iyagoo sidoo kale farriin u diray Baarlamaanka maamulkaasi Jubbaland, taasi oo ku aaaddan in ay Magacaabaan Guddi doorasho heer Baarlamaan si ay u fududaato howsha Doorashadu.

Sidoo kale waxaa ay farriin u direen musharxiinta doonaysa in ay u tartamaan kuraasta aqalka sare, Waxaana loogu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashda.

Hoos ka akhriso Qodobada

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor