Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo Dalab u diray Maamulka Galmudug

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa dowlad Goboleedka Jubbaland ku boggaadiyay dhameystirka doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ku harsaneyd Maamulkaas.

Guddiga ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Jubbaland sida uga soo dhalaalay buuxinta qoondada haweenka ee 30%, iyagoona maamulada ee dalka ka dalbaday in ay xil iska saaraan meelmarinta qoondada haweenka.

Guddiga doorashooyinka ayaa caddeeyay Xubnaha Aqalka Sare ee ilaa hadda la doortay inay yihiin 52 xubnood oo ka mid ah 54-ta xubnood ee Goluhu ka koobanyahay, labo (2) xubnood oo keliya ayaa ku dhimman Maamul Goboleedka Galmudug.

Qoraal soo saareen Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ay Maamulka Galmudug ugu baaqeen inuu soo dhameystiro doorashada laba kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ku harsan Maamulkaas..

“Xubnaha Aqalka Sare ee qoondada haweenka ay ka heleen waa 14 xubnood oo u dhiganta 26% tirada guud ee Aqal Sare ka koobanyahay” ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Ugu dambayn, Guddiyada doorashooyinka dalka ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar garoow xoogan ugu jiraan hirgelinta doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo dhawaan la filayo inay bilaabato.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor