Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo Dalab hordhigay Afar maamul Goboleed

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa bogaadinayay guddiyada doorashooyinka Somaliland iyo Galmudug oo bilaabay Doorashada kuraasta Gollaha Shacabka waqtigii loogu tala galay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle loogu baaqay inay dardar-geliyaan bilaabida doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in doorashada Golaha Shacabka la dedejiyo, isla markaana doorashada lagu dhammeeyo waqtigii loo qabtay oo aheyd 24 bisha soo socota ee December 2021.

Waxaa kaloo Guddiga ay Guddiyada doorashooyinka ku dhiirigeliyeen in sida heshiiskii doorashada ku caddeyd la ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%, ayna soo saaran Liiska kuraasta loo asteeyay haweenka.

Ugu dambeyntii  Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa u mahadceliyay Bulshada Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo cid kasta oo gacan ka geysaneysa inay dhaqaaqdo doorashada..

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ay soo saareen Guddiga doorashooyinka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor