Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo Baaq Deg-deg ah soo saaray

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka ee heer Federaal ayaa soo saaray qoraal uu ku bogaadinayo hanaankii ay ku qabsoontay doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Muqdisho, labadii maalmood ee Arbacada iyo Khamiistii la soo dhaafay.

Maalintii Arbacada ee 29-kii September ayaa teendhada Afisyooni lagu doortay lix xubnood, halka Khamiis 30-kii September la doortay shan xubnood, waxaana sidaas lagu soo gabagabeeyey doorashada 11-ka Senator ee Somaliland ku meteleysa Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer Federaal Maxamed Xasan Cirro oo ka hadlay hanaankii ku qabsoontay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa yiri, “Runtii doorarashooyinka Aqalka sare ee soo bilowday horaantii bisha Agoosto ayaa waxa ay soo martay duruufo adag oo isagu jirey qaar meel dhexaad ahaa iyo kuwo adkaa”.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo dhameystiro xubnaha sideedda ah ee harsan Aqalka Sare, si loo guda galo doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo ka baaxad weyn doorashadii Aqalka sare islamarkaana ka hawl adag.

Guddoomiye Cirro ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay “Waxa loo baahanyahay in aad loo adkeeyo meelmarinta heshiisyadii la gaadhay iyada oo marwalba ay tahay in la xusuusnaado danta umadda Soomaaliyeed iyo wadajirkeeda inuu ku xiranyahay doorasho xalaal ah oo hufan.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor